Iiraan “Xabad joojinta dagaalka waxaa dalbaday Israel”

26

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa soo bandhigay mid ka mid ah xaaladihii uu wajahay inta uu dagaalka socday, isagoo hadal ka jeedinayay telefishinka Iiraan

“Intii dagaalku socday ma aanan heli karin diyaarad aan dalka kaga baxo, markaa waxaan gaari uga gudbay xadka anigoo galay Turkiga, markii aan Turkiga tagay, diyaarad Iiraan leedahay ayaa halkaas timid annaguna waan raacnay.Markii hore waxaan u duulnay Geneva, ka dibna Istanbul, ugu dambeynna Moscow.

Waxaa uu sheegay inaan loo oggolaan doonin kormeerayaasha hay’adda Atoomikada Adduunka ee IAEA, inay dib u arkaa goobaha nukliyeerka , illaa la xaqiijiyo ammaanka xarumaha nukliyeerka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sheegay inaysan iyagu dalban xabbad-joojin, balse Israel ay dalbatay, wuxuuna xusay in Iran ay diyaar u tahay iney dagaal daba dheeraada la gasho Yuhuuda iyo Mareykanka si ay u difaacato madax banaanideeda.

Waxa uu sheegay inuu dalalka reer Yurub u sheegay inuu Israa’iil ku wargeliyaan haddii ay jebiyaan xabbad-joojinta, inay si degdeg ah Iiraan uga heli doonto jawaab.