Kooxda Xuutiyiinta ah ee maamusha qeybo badan oo kamid ah dalka Yemen, ayaa goordhaw tiro gantaalo ah waxa ay ku weerareen gudaha Israa’iil, waxaana magaalooyin kamid ah Israa’iil laga maqlay dhawaqyada qaraxyo ka dhashay gantaalada.
Seyriga ka diga gantaalada ayaa laga maqlay qeybo kamid ah Israa’iil, waxa ayna dadku bilaabeen kala carar iyaga oo soo xasuustay weeraradii Iran, waxaana la sheegay in gantaalada qaar ka gudbeen nidaamka difaaca ee Israa’iil.
Raadiyaha ay leeyihiin ciidamada maamulka Israa’iil, ayaa goordhaw baahiyay in dhawaqyada qaraxyo xooggan laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Beersheba, markii ay gantaalada kooxda Xuutiyiinta soo rideen halkaasi ku dhaceen.
Weerarkan gantaalaha ay kooxda Xuutiyiinta ku weerartay Israa’iil, ayaa kusoo aadaya xilli heshiis xabbad-joojin ah lakala dhax dhigay Iran iyo Israa’iil, taa oo hakisay weeraradii cuslaa ee labada dal maalmihii lasoo dhaafay isku garaacayeen.
Xuutiyinta dalka Yemen ee taageerta Iran, ayaa horey u shaacisay in uusan waxba ka quseyn dhankooda heshiiska ay gaareen Israa’iil iyo Iran, waxa ayna xuseen in weerarooda wadayaan ilaa Israa’iil ka joojineyso xasuuqa ka socda magaalada Qasa.