Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Allah u naxariistee Marxuumka ayaa la sheegay in maalmahii lasoo dhaafay xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi oo uu ugu dambeyn maanta ku geeriyooday.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa uga tacsiyadeeyay Shacabka Jubbaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed geerida ku timid madaxweyne ku xigeenkiisii labaad Marxmuum Cabdiqaadir Lugadheere.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale xusay inuu marxuumka ahaa shaqsi door weyn kasoo qaatay dadaaladii dib u heshiisiineed ee Jubbaland iyo horumarka bulshada ku nool deegaanadaas.
“Marxuumku wuxuu ahaa halyey kaalin muuqata ka qaatay dadaalladii dib u heshiisiinta Jubaland, isagoo noloshiisa inta badan u huray midnimada, wadajirka, iyo horumarka bulshada” ayuu yiri madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe.
Ugu dambeyntii madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa shaqsi ay ka go’aneyd xal u helida dhibaatooyinka ka taagan Jubbaland iyo sidii la isugu keeni lahaa bulshada Jubbaland.