Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu haatan dagaal culus ka socdo deegaanka Ceel qooxle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo dhinac ah iyo kooxda Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka is kaashanaya ay weerar saf balaaran ah ku qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay isku aruursanaayay deegaano hoostaga Moqokori.
Ciidamada is garabsanaya ayaa ugu horeyn aroornimadii hore ee saakay weerarka ku qaaday deegaanka Gumare oo ay kula wareegeen dagaal culuus, waxaana haatan uu dagaalka ka socda deegaanka Ceel qooxle iyo tuulooyinka ku dhadhaw.
Daryanka hubka culus ee labada dhinac isku adeegsanayaan ayaa si weyn looga maqlaya deegaano badan oo ka fog halka uu ka socda dagaalka culus ee bilaawday waabarigii hore ee saakay.
Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha dagaalka culus ee ka socda deegaanada hoostaga degmada Moqokori, waxaana lasoo warinaya inuu dagaalka ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac oo aan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay.