Wasiir Fiqi oo Beeniyay Eedeymaha Ku Saabsan in dowladda Ciidamo Geysay Sanaag iyo Sool

39

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in dowladda Federaalka ay ciidamo u dirtay gobollada Sanaag iyo Sool, isaga oo sheegay in aysan jirin sabab suurtagal ah oo ciidamadaas loogu diri lahaa deegaannadaas.

“Waxaan si cad u caddaynaynaa in Dowladda Federaalka aysan ciidan geynin gobollada Sanaag iyo Sool, sabab loo geeyana aysan muuqan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, isagoo ka hadlayay wararka maalmihii dambe ku wareegayay baraha bulshada.

Wasiirku wuxuu sidoo kale dhaliilay eedeymaha loo jeedinayo dowladda Federaalka, isagoo ku tilmaamay kuwo aan caddayn loo hayn.

“Shakhsiyaadka dowladda Federaalka ku eedaynaya arrintaas, wax caddayn ah oo ay soo bandhigeen ma jirto, marka laga reebo hadallo caadifadeysan oo ay ka muuqato in aysan awood u helin inay hor istaagaan rabitaanka shacabka ku nool deegaannadaas.” ayy raaciyay hadalkiisa.

Axmed Macallin Fiqi ayaa si kulul uga falceliyay hadallo is burinaya oo mararka qaar lagu eedeeyo dowladda, isagoo yiri: “Ismana qabato in la yiraahdo ‘Xamar ayay dowladda xukumi wayday’ iyo ‘Sanaag ayay ciidan geysay’, Sidoo kale, lama is-waafajin karo in mar la dhaho dowladda Federaalka waa cadowga nidaamka Federaalka, isla markaana haddana la yiraahdo dawlad goboleed cusub ayay dhisaysaa.”

Wasiirka ayaa ku adkaystay in nidaamka Federaalka uu yahay mid dastuuri ah oo dalka uu si rasmi ah u qaatay, isagoo xasuusiyay dhinacyada siyaasadda in ay waajib tahay in la ilaaliyo hirgelinta iyo dhowrista nidaamkaasi.

“Nidaamka Federaalka ah waa nidaam uu dalka qaatay, waana mid dastuuri ah, Hirgelintiisa iyo ilaalintiisuna waa waajib saaran cid kasta oo Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Wasiir Fiqi.