Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa hadallo layaab leh ka sheegay xaflad lagu taageerayey ololihiisii dib-u-doorashada, isaga oo sheegay inuu si toos ah ugu hanjabay madaxweyneyaasha Ruushka iyo Shiinaha intii uu xilka hayey mudo xileedkiisii hore.
Cod sir ah oo dhawaan la dusiyey oo Trump si qarsoodi ah looga duubay sannadkii hore, ayaa muujinaya isaga oo sheegaya in uu Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, u sheegay in haddii uu Yukrayn galo uu “si xun u duqeyn doono magaalada Moscow ee caasimada Ruushka intii uu Trump xilka hayay muddo xileedkiisii hore.
“Putin waxaan ku idhi, ‘Haddii aad Yukrayn gasho, waxaan si daran u garaaci doonaa Moscow. Ma lihi doorasho kale.’ Markaas buu yidhi ‘Ma aaminsani.’ Laakiin wuu i rumaystay boqolkiiba toban” ayuu ku yidhi Trump codka laga duubay.
Trump waxa uu intaas ku daray in uu hanjabaad taa la mid ah u diray madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, isagoo uga digay in Shiinuhu weerar ku qaado jasiiradda Taiwan.
“Waan u sheegay Xi Jinping, ‘Haddii aad Taiwan weerarto, waxaan ku tuuri doonaa bam magaaladiina Baijing’, wuxuu yidhi ma Baijing ayaad bam ku ridi?, waxan idhi dookh kale ma haysto in aan duqeeyo mooye, isaguna boqolkiiba toban ayuu i rumaystay,” ayuu Trump ku faanay.
“Xataa boqolkiiba shan in uu i rumaysta igu filayd, inta kadib wax dhibaato ah ma dhicin intii aan xukunka hayey” ayuu Trump hadalkiisa sii raaciyay.
Trump ayaa markasta ku celceliya in haddii uu ahaan lahaa madaxweyne xilligii uu Biden xilka hayay dagaalka Yukrayn aanu dhici lahayn. Isagoo arrintaas ka hadlayey ayuu yidhi:
“Haddii aan anigu madaxweyne ahaan lahaa, dagaalka Yukrayn waligiis ma bilaabateen.”
Kadib muddo uu xilka hayay Trump rajo badan kama qabo in uu dagaalka Ruushka iyo Yukrayn dhayal ku dhamaado, inkasta uu xilligii ololaha odhan jiray “Maalinta ugu horaysa ee aan kursiga fuulo ayaan joojinaya.”
“Waan ka xumahay Putin, aanu daacad ahayn, sababtoo ah dad badan ayuu dilayaa. Wuxuu mar walba leeyahay hadallo wanaagsan, laakiin waxay noqdaan wax aan micno lahayn” ayuu Trump ku calaacalay dhawaan.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay in Ruushka la saaro cunaqabateyn hor leh, kadib markii Senate-ka Mareykanka uu soo jeediyey sharci cusub oo lagu kordhinayo cadaadiska dhaqaale ee Moscow lagu hayo.