DAAWO Garaad Jaamac Gala dagaalka oo diiday balaarinat SSC Khaatumo

35

Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah Isimka guud ee deegaannada SSC Khaatumo ,ayaa markii ugu horreysey ka hadlay xaaladda SSC, shirka dhammaystirka, faragelinta DFS iyo arrimo kale.

Waxa uu sheegay Garaadka in aysan aqbali doonin faragalin meel kale uga timid , waxa uuna xusay in walaalahooda Warsangeli aan lagu sameyn faragalin loona yeerin wax aysan rabin raalina ka aheyn.

“Talo meel kale laga soo raray laygu dhaqi maayo, wixii aan 15 sano ka dagaalamay in walaalahay Warsangali lagula dhaqmo yeeli maayo aqbali maayo- Warsangali waa walalaahayo umana quudhno in aan dhahno anagaa idinka xuleynayna waxaan rabno, mana dhacayso kulama dhici karno wixii aan shalay diidnay, kana dagaalnay wax naga suuragalaya maaha, Naga raali ahaada walaalayaal Talo mideysan ayaa rabnaa” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

Garaad Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in SSC KHAATUMO taladeeda leedahay, meel kalena aan laga go’aamin karin, wuxuuna ka digay ficilada socda ay halis noqon karaan, wuxuuna caddeeyey inuu horay ugu soo joogey been abuuro iyo balanqaadyo aan dhab ahayn.

Hadalka Garaad Jaamac, ayaa kusoo aadaya xilli wali uusan furmin shirka dhameystirka maamul u sameynta Khaatumo , shirkaas ayaana waxaa ka taagan khilaaf ku aadan in maamulka lagu soo biiriyo