Muungaab oo $200,000 ugu Deeqay Gurmadka Abaarta Gobolka Awdal

23

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ku dhawaaqay deeq lacageed oo gaaraysa $200,000, taasoo lagu taageerayo dadaallada gurmad ee lagu wajahayo abaarta ba’an ee ka taagan Gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya.

Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib kulan uu Guddoomiyuhu la yeeshay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Gobolka Awdal, kuwaasoo uga warramay xaaladda cakiran ee bini’aadantinimo ee gobolkaas ka jirta, gaar ahaan baahiyaha degdegga ah ee ay dadka reer Awdal la daalaa dhacayaan.

Muungaab ayaa sheegay in isu-gurmashada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed ay tahay tiir-dhexaadka samatabbixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Wuxuu xusay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka Muqdisho ay garab taagan yihiin walaalahooda Awdal, iyaga oo deeqdan lacageed ugu talagalay in si degdeg ah loogu fuliyo howlaha gargaarka naf-badbaadinta ah.

Deeqdan ayaa si rasmi ah loogu wareejin doonaa Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), si loo hubiyo in si hufan oo qorsheysan loogu adeegsado wax-ka-qabadka abaarta iyo ka hortagga faafitaankeeda.