Adeegga Internetka ee Starlink Oo Si Rasmi Ah U Bilawday Soomaaliya

17

Shirkadda tiknoolajiyadda ee Starlink, oo uu leeyahay maalqabeenka caanka ah Elon Musk, ayaa si rasmi ah u shaacisay in adeeggeeda internet-ka xawaaraha sare leh hadda laga heli karo gudaha Soomaaliya.

Tani waxay Soomaaliya ka dhigtay mid ka mid ah dalalka yar ee Afrikaan ah ee laga heli karo adeegga Starlink ilaa hadda, Adeegga Starlink, oo ku saleysan dayax-gacmeedyo isgaarsiineed, ayaa loogu talagalay in uu si gaar ah ugu adeego meelaha dadka meelaha fog fog jooga ama aan lahayn kaabeyaasha internetka.

Soomaaliya, oo muddo dheer wajahaysay caqabado dhanka isgaarsiinta ah, waxay adeeggan ka heli doontaa fursad muhiim ah oo dhanka horumarinta internet-ka iyo helidda adeegyo casri ah.

In kasta oo Starlink laga hirgeliyay Soomaaliya iyo dhowr dal oo kale oo Afrikaan ah, waxaa xusid mudan in adeeggan aanu wali ka furnayn dalal waaweyn oo leh suuqyo ballaaran sida, Turkey, Hindiya, Sacuudi Carabiya, Masar, Pakistaan iyo Iiraan.

Shirkadda Starlink ayaa horey u sheegtay in ballaarinta adeeggeedu ku xiran yahay oggolaansho dowladeed, shuruuc gudaha ah, iyo arrimo farsamo oo la xiriira dhismaha iyo hawlgalka nidaamka dayax-gacmeedyada.

Helitaanka Starlink waxa ay uga dhigantahay Soomaaliya wuxuu noqon karaa Furitaan fursado ganacsi iyo shaqo online ah, Kor u qaadidda adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka fog, Hoos u dhigidda ku tiirsanaanta adeeg-bixiyeyaasha maxalliga ah iyo Xoojinta isku xirnaanta gobollada miyiga iyo kuwa aan adeeg internet haysan

Dadka isticmaala ayaa hadda si toos ah uga dalban kara qalabka Starlink website-ka rasmiga ah, iyadoo lagu rakibayo si fudud guriga ama xafiiska.