suuqa Bilaajo-Carab oo sakay burburin lagu bilaabay

25

Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa saaka hawlgal burburin ah waxay ka wadaan suuqa Bilaajo-Carab ee ku yaal Degmada Shibis kadib markii dhawaan Dowladu ku amartay shacabka inay bneeyaan.

Ciidamada ayaa sida lagu yaqaan ka hor howlgalka burburinta waxay xireen dhamaan wadooyinka soo gala suuqaasi kadib ayay shaqada burburinta bilaabay waxaana lagu wadaa in Dowladu dhulkaasi howlo kale ku qabsato.

Cagafyada wax burburiya ayaa ka howlgalay gudaha suuqaasi oo aan sidaas u weyneyn balse mudo ku dhaq qarni ayay shacaku ku ganacsanayeen suuqaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii dadka suuqaasi ganacsiga ku lahaa ay dhigeen dibad bax ay kaga cabanayeen in suuqaasi Dowladu xoog kula wareegeyso iyagoo codsaday in shacabka loo dhaafo suuqa oo ay 70 jirsaday sida ay sheegeen odayaashii ka hadlay dibad baxaasi.