DAAWO: Sarkaal sare oo ka soo goostay Jubaland oo ku biiray ciidmada (Janan )

23

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Maamulka Jubaland islamarkaana saaka laga soo direy Kismaayo si uu u badalo Taliyihii Booliiska ugu qaabilsanaa Jubaland oo dhowr maalin ka hor ku dhintay dagaalkii Balad-xawo looga saaray jubaland ayaa isla galabta gaaray Balad-xaawo.

Sarkaalkaan oo lagu magaciisa lagu soo koobay Cajeex ayaa intuu soo socday islamarkaana uusan gaarin Mandera wuxuu qaatay go’aan ah inuu u goosto dhanka Dowlada Somalia iyo Magaalada Balad-xaawo si uu ugu biiro iyaga.

Taliye Canjeex wuxuu afkiisa ku cadeeyay in Axmed Madoobe uu u soo diro Geddo si uu u badalo booskii uu ka dhintay Taliyihii Ciidamada Booliiska ee Jubaland allaha u naxariistee Xuseen Giif.