Sawirro: Xildhibaannada maamulka Waqooyi Bari oo la dhaariyay

49

Waxaa maanta magaalada Laascaanood shahaadada xildhibaannimo lagu guddoonsiiyay xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Liiska xildhibaannadan oo saaka la shaaciyay ayaa ka kooban illaa 83 mudane oo loo kala qaybiyay beelaha ku midoobay maamulka cusub, waxaana ka mid noqday 4 gabdhood, halka 79 kalena ay yihiin rag.

Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkmadda Sare ee Waqooyi Bari, Maxamed Yuusuf Warsame ayaa sidoo kale isla maanta si rasmi ah u dhaariyay xildhibaannada cusub.

Xildhibaannada ayaa 37 kamid ah waxaa laga soo xulay Sanaag, halka Sool laga keenay 30 mudane, sidoo kale 16 mudane ayaa waxaa laga keenay gobolka Togdheer.

Kadib dhaarinta xildhibaannada ayaa waxaa si toos ah loo guda geli doonaa doorashada guud ee hoggaanka maamulka, taas oo ay ku loolami doonaan musharixiin uu ku jiro hoggaamiyaha hadda tallada haya Cabdulqaadir Firdhiye, oo la rumeysan yahay inuu taageero ka helayo dowladda dhexe.

Xildhibaannada cusub ee maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu wadaa in kulankooda ugu horreeya ay kusoo doortaan hoggaan KMG ah, inta laga gaarayo doorashada guddoonka baarlamaanka. Markaasna ay guda galaan doorashada guud.

Hanaanka doorasho ee maamulkan cusub ayaa waxaa galaangal xooggan ku laheyd Dowladda Federaalka Soomaaliya oo door weyn ka qaadatay dhismaha maamulka, waxaana halkaasi ku sugan mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladda, oo ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Si kastaba, Maamulkan cusub ayaa ah natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay, taas oo marxaladdo kala duwan soo martay, ugu dambeyntiina dhashay maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.