Garsoore Frank Caprio, oo caan ka ahaa gudaha iyo dibadda Maraykanka, ayaa geeriyooday isagoo 88 jir ah, sida ay qoyskiisu ku sheegeen qoraal lagu daabacay bartiisa Instagram. Caprio oo lagu yaqaanay naxariis badni ayaa muddooyinkii u danbeeyay la dagaalamayay xanuunka kansarka ganaca (pancreatic cancer) oo sanadkii hore lagu ogaaday.
Qoraalka ay qoyskiisu soo dhigeen baraha bulshada ayaa lagu xusay in garsooruhu ahaa nin lagu xusuusan doono naxariis, qosol iyo kalsooni uu ku qabay wanaagga dadka. Wiilkiisa, David Caprio, ayaa taageerayaasha uga mahadceliyay taageerada iyo ducada ay la garab taagnaayeen, isaga oo dadka ku boorriyay in ay “ faafiyaan naxariis iyo wanaag” xusuustiisa darteed.
Siduu garsoore Caprio caan ku noqday?
Frank Caprio waxa uu caan ku noqday barnaamijka Caught in Providence, oo laga duubi jiray maxkamadda uu ka garsoori jiray magaalada Providence ee gobolka Rhode Island.
Halkaas ayuu ku muujin jiray dabeecad deggan, kaftan iyo garsoor ku dhisan qalbi furnaan, taas oo dadka daawan jiray ku abuurtay kalgacal iyo ixtiraam.
Waxa indhaha dadka soo jiittay sida naxariista leh ee uu ula dhaqmi jiray dadka maxkamadiisa la keeno, iyada oo muuqaalada ay maxkamadiisu baahiso ay heleen balaayiin daawadeyaal ah. Waxaa ka mid ahaa muuqaallada caan noqday ee uu carruurta ka qaybgelin jiray maxkamadda isaga oo kursiga garsoorka ku casuumaya, ama caruurta u dhiibaya makarafoonka si ay u xukumaan waalidkooda marka lasoo eedeeyo.
Waayaha noloshiisa iyo geerida
Frank Caprio waxa uu ka garsoorayay kumannaan kiis oo ka dhacay Rhode Island, isaga oo ka dhigay maxkamaddiisa meel dadku ku nafisaan, oo ay ka helaan farxad, daganaan iyo naxariis. Sanadkii 2023 ayaa lagu ogaaday xanuunka kansarka, wuxuuna sheegay in uu “si adag ula dagaallami doono inta karaankiisa ah.”
Markii ugu dambaysay ee uu bulshada la hadlay, wuxuu sheegay inuu cusbitaalka ku noqday kadib markii xaaladdiisu sii xumaatay, isaga oo taageerayaasha ka codsaday duco.
Garsoore Caprio waxa uu ka tagay xaaskiisa Joyce Caprio, oo ay wada joogeen ku dhowaad 60 sano, shan carruur ah, iyo sagaal ubad ah oo uu awoowe u yahay.
Frank Caprio waxa lagu xusuusan doonaa garsoore aan caadi ahayn oo ka dhigay maxkamadda meel naxariis, cadaalad iyo bini’aadannimo lagu muujiyo.