Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga ee Gobolka Gedo u magacaabay Cusmaan Nuux Xaaji Macalimuu, oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay gobolka, gaar ahaan isagoo mar ahaa Guddoomiyaha Gobolka Gedo.
Magacaabistan ayaa imaneysa xilli Jubaland ay wado dadaallo lagu xoojinayo maamulka iyo amniga gobolka Gedo, oo muddo dheer uu ka jiray khilaaf siyaasadeed iyo amni darro, gaar ahaan xiriirka kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya.
Macalimuu ayaa lagu tilmaamaa siyaasi awood leh oo si weyn loogu xushmeeyo gobolka Gedo, Dadka deegaanka iyo falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda ayaa rumeysan in Mucalimuu uu yahay shaqsi adag, lehna go’aan adag oo laga filaayo inuu wax weyn ka beddelo xaaladda gobolka, gaar ahaan dhinaca amniga.
Magacaabistiisa waxaa lagu micneeyay mid qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo uu wado Madaxweyne Axmed Madoobe oo ku saabsan dib u habeynta maamulka gobolkaas iyo ka hortagga saameynta dowladda federaalka ee deegaankaas.
Waxaa xusid mudan in sanadkii 2020 uu Macalimuu door muhiim ah ka ciyaaray dhacdooyinkii dagaalka ee ka dhacay degmada Baladxaawo, Xilligaas, wuxuu ahaa wakiilka Dowladda Federaalka halka Cabdirashiid Janan uu metelayay Jubaland.
Dagaalkii dhexmaray labada dhinac ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, wuxuuna ahaa mid si weyn u muujiyay kala fogaanshaha labada maamul.
Hadaba, isbeddelka cusub ee Mucalimuu uu ku noqday masuul sare oo ka tirsan maamulka Jubaland ayaa dad badan la yaab ku noqday, iyadoo sidoo kalena loo arko inuu yahay tallaabo xeeladaysan oo dib-u-heshiisiin siyaasadeed lagu muujinayo ama mid xooggan oo Jubaland ku dooneyso inay ku xoojiso gacanteeda gobolka Gedo.
Magacaabista Macalimuu waxay si cad u muujinaysaa isbeddelka dhanka siyaasadda ee ka socda gobolka Gedo, Waxa ay noqon kartaa fursad lagu mideeyo dadka deegaanka iyo maamulka, balse sidoo kale waxay horseedi kartaa xiisado cusub haddii aysan jirin wada shaqeyn dhab ah oo lala yeesho dowladda dhexe.
Sida xaaladdu noqon doonto waxay ku xiran tahay sida Macalimuu u wajahayo xilka cusub, iyo sida uu ula shaqeyn karo dhammaan daneeyayaasha gobolka.