DAAWO Mucaaradkii ku haray Madasha Samatabixinta oo diiday heshiiskii Villa Somalia

28

Is-mari-waa xooggan oo muddo ka dhex aloosnaa mucaaradka iyo madaxda dawladda federaalka Soomaaliya ayaa heer-kulka siyaasadeed gaadhsiiyay figta ugu sarraysa.

Shirar dhowr ah oo laga yeeshay xal-u-helidda arrintan ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday.

Ha se yeeshee, Isniintii toddobaadkan ayaa waxa soo dhacay warka sheegaya in dhinac ka mid ah madashii mucaaradku ay heshiis la qaateen madaxweynaha.

Siyaasiyiin afar ah oo shaaciyay in gebi ahaan ay isaga tageen golihii mucaaradka ayaa dawladda la gaadhay heshiis lagu sheegay in is-afagarad laga gaadhay is-jiidjiid muddo dheer taagnaa oo ku aaddanaa wax-ka-beddelkii lagu sameeyey dastuurka, arrimaha doorashooyinka iyo ammaanka dalka.

Haddaba, madasha samatabixinta ayaa markii ugu horraysay war ka soo saartay mowqifkooda ku aaddan heshiiska garab ka mid ahaa ay la qaateen madaxda dawladda.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xubin ka ah madashaasi ayaa waraysi uu siiyay BBC-da waxa uu ku sheegay in xubnaha heshiiska qaatay ay ra’yigooda gooni u yihiin, bal se madasha inteeda kale aanay ku raacsanayn.

Dhinaca kale, waxa uu soo hadal qaaday in xubnaha heshiiska la qaatay dawladda Soomaliya ay madasha ku wargeliyeen in ay ka baxayaan iyaga oo sheegay duruufo uu diiday in uu wax faahfaahin ah ka baxiyo.

“Runtii, nimankaas odayaasha ah, fiidkii Isniinta ayay madasha u yimaaddeen oo ay keeneen iscasilaad. Waxa ay yitaahdeen, waxa aan rabnaa in aan madasha ka baxno. Markii horaba, madasahda waxa lagu soo galay si mutadawacnimo ah. Duruufaha ay sheegeen iyo sababta ay u baxayaan markii aan dhagaysannay waxaan garowsannay in laga aqbalo,” ayaa uu yidhi.

Xildhibaanka ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo in ay kala qaybsameen xubnihii hore ugu midaysnaa Madasahda Samatabixinta ee mucaaradka iyo in kale.

Khilaaf ka dhashay wax-ka-beddel lagu sameeyay dastuurka sannadkii la soo dhaafay ayaa xuddun u noqday muran xooggan oo u dhaxeeyay dawladda iyo mucaaradka, dhowrkii bilood ee la soo dhaafayna waxa socday kulammo u dhaxeeya labada dhinac oo marar badan lagu kala kacay.

Mucaaradka ayaa dood geliyay hannaanka doorasahda qof iyo cod oo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in dalka laga qabanayo.

Waraysiga uu siiyay BBC-da ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu kaga warramay in waxyaabaha la isku mari waayay kulammadii ay madaxda dawladda federaalka la qaateen aysan ahayn oo kaliya dastuurka.

“Madaxweynaha, waxa aan ku haysannay dastuurka beddelaadiisa keliya ma ahayn. Waxa se aan ku haysannay sida uu u wajahay midnida dalka iyo in gobollada dalka sida gobolka Gedo uu colaado ka hurinayay. Waxa ka sii horraysay Raaskaanbooni uu ciidan ku daabulay iyo in furimihii dagaalka shabaab uu soo faarujiyay. Waxa aan ku haysannay boobka dhulka iyo in dalkii uu ka dhigay dal hal xisbi ah oo afar maamul-goboleed iyo Laascaano uu jeebka gashaday oo uu sheegay in ay xisbigiisa ka tirsan yihiin, ” ayaa uu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Eedaymahaan uu ujeediyay madaxtooyada ayaan ahayn kuwa ay BBC du si madaxbanaan u xaqiijin karto. Sidoo kale Villa Somalia ayaan marnaba wax jawaab ah ka bixin.

Waxa uu intaasi raaciyay in hannaanka loo maray dastuurka aanay sharciga waafaqsanayn, iyaguna ay dalbanayaan in loo laabto dastuurkii 2012-kii, doorashooyinka dhacayana lagu saleeyo dastuurkaasi.

Cabdiraxmaan ayaa geesta kale waxa uu duray waxayaabaha lagu heshiiyay isaga oo sheegay in la isla af gartay keliya afar qodob oo ka mid ah afartii cutub ee uu khilaafku ka taagnaa.

Waxa uu yidhi: “Waxa uu madaxweynuhu sheegayo in uu ka tanaasulay waa afar qodob oo ka mid ah afar cutub. Waxay u muuqataa madaxweynuhu in aanu weli diyaar ahayn. Madaxweynuhu waxa uu toshay shaati doorasho oo u gaar ah iyo muddo-kordhin.”