Ololaha Doorashadan ee musharaxiinta ayaa galay saacadihii ugu dambeeya, iyadoo loolanka siyaasadeed ee doorashada uu si xawli ah u socdo haatan. Hoolka doorashada ayaa goor dhow waxaa ka bilaabanaysa khudbadaha musharaxiinta.
Hoggaamiyihii ku meel gaarka ahaa ee SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa kamid ah musharrixiinta ugu cadcad doorashada, halka dhinaca kale qaar kamid ah musharrixiinta mucaaradka ay ku heshiiyeen in ay taageeraan cid kasta oo iyaga kamid ah oo gaarta wareegga ugu dambeeya ee doorashada, si ay codadkooda u mideeyaan, ugana guulaystaan haddii Firdhiye uu gaaro wareegga ugu dambeeya ee doorashada.
Doorashadan oo mid xiiso leh oo aad loo sugayo waxay go’aamin doontaa jihada siyaasadeed ee maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya iyo sida uu ula macaamili doono Dowladda Federaalka.

3. Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
4. Jamaal Maxamed Xasan.
5. Maxamuud Yuusuf Xasan.
magacyada musharaxiinta madaxweyne ku xigeenka.
1. Cumar Daahir Xasan.
2. Abdirashiid Yuusuf Jibriil.
3. Cabdirisaaq Maxamed Jaamac.
4. Cabdisataar Sheikh Cismaan Cumar.
5. Maxamed Cabdi Bulaale.