Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping in uu kala shaqaynayo qorshe ka dhan ah Mareykanka hoggaamiyeyaasha Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.
Hadalladan Trump ayaa yimid xilli Shiinaha uu Arbacada maanta ah ku martigelinayo hoggaamiyeyaal caalami ah dabaaldegii ugu weynaa abid ee “Maalinta Guusha (Victory Day”) oo ka dhacaya magaalada Beijing – taasoo lagu soo bandhigay awoodda ciidan ee Shiinaha.
Qoraal uu ku soo qoray baraha bulshada ee Truth Social, Trump wuxuu ku yiri: “Fadlan hambalyo diirran gaadhsiiya Vladimir Putin iyo Kim Jong Un, xilli ay ku hawlan yihiin qorshe ka dhan ah Mareykanka.”
Trump ayaa hore u diiday xoojinta xidhiidhka Shiinaha, Ruushka iyo dalal kale, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay khatar calami ah ku yihiin Mareykanka.
Isagoo baraha bulshada ku hadlaya, Trump wuxuu sidoo kale xusay “taageeradii aadka u ballaadhnayd iyo nafhurkii” ay Maraykanku bixiyeen intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka si ay Shiinaha uga caawiyaan dagaalkiisii ka dhanka ahaa qabsadayaashii Japan. Dabaaldega Shiinaha ayaa xusaya 80 sano guuradii is-dhiibidii Japan iyo guushii Shiinaha ee dagaalkaas.
“Dad badan oo Maraykan ah ayaa ku dhintay halgankii Shiinaha ee Guusha iyo Sharafka. Waxaan rajeynayaa in si sharaf leh loo xuso loona xasuusto geesinimadooda iyo naf-hurnimadoodii!” ayuu Trump ku daray.
Xi waxaa dabaaldega ku wehliyay 26 hoggaamiye dal, oo ay ku jiraan Kim iyo Putin – arrintan oo ay qaar ka mid ah falanqeeyayaashu u arkeen fariin loo diray waddamada reer Galbeedka ee ka fogaaday.
Shiinaha wuxuu isku dayay inuu isu dhigo miisaan lid ku ah Mareykanka tan iyo markii cashuuraha ganacsiga ee Trump ay Khalkhal geliyeen nidaamka dhaqaale iyo siyaasadeed ee caalamiga ah.
Trump wuxuu ku tilmaamay cashuurihiisa ganacsi kuwo muhiim u ah ilaalinta danaha iyo warshadaha Mareykanka, isaga oo muujiyay inuusan ka laba labayn doonin saamayntadiblomaasiyadeed ee ka iman kara.
Markii la weydiiyay haddii uu aaminsan yahay in Beijing iyo xulafadeedu ay isku dayayaan inay sameeyaan isbahaysi caalami ah oo ka dhan ah Mareykanka, Trump wuxuu ku jawaabay: “Maya. Marnaba. Shiinahu aad ayay nooga baahan yihiin annaga.”
Wuxuu ku daray: “Waxaan la leeyahay xidhiidh aad u wanaagsan si gaar ah Madaxweyne Xi, sida aad ogtihiin. Laakiin Shiinaha ayaa noo baahan inta ay aan annagu u baahan nahay iyaga.”
Wareysi uu bixiyay Talaadadii, Trump wuxuu ku sheegay inuusan ka welwelaynin isku xidhka ka dhex muuqda Ruushka iyo Shiinaha.
Wuxuu u sheegay barnaamijka raadiyaha ee Scott Jennings in Mareykanka uu leeyahay “ciidamada ugu awoodda badan dunida,” isla markaana “aan marnaba la isku deyi karin in ciidammo naloo adeegasdo.”
“Ogaada, arrintaas waxay noqon lahayd wixii ugu xumaa ee ay waligood sameeyaan,” ayuu yidhi.
Qayb kale oo wareysiga ka mid ah, Trump wuxuu sheegay inuu “si weyn uga niyad jabay” Putin, kadib markii ay ku guul darraysteen inay gaadhaan heshiis nabadeed oo ku saabsan Ukraine kulankoodii bishii hore ee Alaska.
“Waan ka niyad jabay Madaxweyne Putin, taas waan dhihi karaa,” ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray in Mareykanku “uu wax ka qaban doono si aydadku ugu noolaadaan si wanaagsan” gudaha Ukraine, inkasta oo aanu faahfaahin.
Shiinaha weli kama uusan hadlin duullaanka buuxa ee Ruushku ku qaaday Ukraine, waxaana reer Galbeedku ku eedeeyeen inuu caawinayo Ruushka isagoo siinaya qalab kala duwan iyo iibsashada saliidda Ruushka – arrin Beijing ay diidday.
Dhanka kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ruushku uu sameeyay ciidan urursi cusub oo ciidan ah, kuwaas oo ujeedku yahay qaybo ka mid ah furimaha hore ee dagaalka.
Xigasho BBC