SAWIRRO Qoorqoor oo siwayn loogu soodhaweeyay Jabuuti

29

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray Dalka Jabbuuti halkaasoo si weyn loogu dhaweeyay wafdiga Qoor Qoor.

Wararka ayaa tilmaamaya in Qoor-Qoor uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu wado inay maanta ku kulmaan si ay uga wada hadlaan xaalada dalka guud ahaan gar ahaan xaalada deegaanada Galmudug.

Wasiirrrada Arrimaha Dibedda iyo Gudaha dalka Jabuuti iyo masuuliyiin ay xildhibaano ku jireen ayaa soo dhaweeyay Madaxweyne Qoor-Qoor, sido kale uu Safiir Salaad Cali Jeelle ayaa isna qeyb ka ahaa soo dhaweynta.

Madaxweyne Qoor-Qooor waxaa lagu wadaa inuu hor dhigo Madaxweynaha Jabuuti codsi ah inay ka kaalmeeyaan la dagaalaka koxada Alshabaab xili ciidamo Jabuuti ah oo aan badneyn ay hada ku sugan yihiin kana howlgalaan caasimada maamulka Galmudug ee Dhuusa-mareeb.

Dalabka Qoor Qoor ayaa u muuqda inuu gulfyo dagaal ku qaadi rabo alshabaab si uu uga xoreeyo meelaha ay Alshabaab ka heystaan deegaanada Maamulka Galmudug.