DAAWO Xasan Macalin oo diiday inuu raali gelin bixiyo

43

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin ayaa sharaxaad cusub ka bixiyay hadal uu dhawaan ka sheegay munaasabad ka qabsoomtay magaalada Muqdisho.

 

Wasiir Xasan Macallin ayaa markaas sheegay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho oo dowladda dhexe ay ka taliso, aysan dowladda ku lahayn waxbarasho, caafimaad iyo cunto midna.

Inkastoo uu sheegay in si khaldan loo fasiray hadalkiisa oo ka careysiiyay shacabka Soomaaliyeed, haddana wax raalli-gelin ah kama bixin. “Hadalka haddii maqaamkii iyo madashii loogu talagalay laga saaro, macno kale ayuu soo saaraya. Goob kastana hadal u gaar ah ayay leedahay,” ayuu yiri.

Xasan Macallin ayaa ku dooday in hadalkiisu ahaa mid dood cilmiyeed ku saleysan oo uu ka jeediyay buug dowlad-dhis ah oo lagu soo bandhigay Muqdisho, isagoo tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan hadda u diyaarsaneyn sidii dowladaha casriga ah ee Yurub oo bixiya adeeg dadweyne.

“Dowladaha modern-ka ah ee casriga maxay kusoo kordhiyeen dowladnimada? Waxay ku dareen qarnigii 19-aad in xuquuqda siyaasiga ah ee muwaadinka ay bixiso. Waana meesha ay dooddaydu kasoo galeyso oo aan lahaa: dowladdan xuquuqda siyaasiga ah doorasho ayaa udareeeri doontaan ayuu yiri.
Waxa uu intaas ku daray: “Soomaaliya in ka badan 50 sano xuquuq siyaasadeed ma lahayn, sida kacaanku u yimidba. Kacaanku wuxuu yiri xuquuqda bulshada idin siinayaan waxbarasho iyo caafimaad, waana idinka qaaday xuquuqdii siyaasadeed.”

Si kastaba, nuxurka hadalka wasiirka ayaa ah inuu isagu saxnaa balse ay bulshadu qalad u fahantay, taas oo weli dood ka taagan tahay, isla markaana dad badan ay dalbadeen inuu si buuxda raalli-gelin uga bixiyo arrintaas.