Larry Ellison oo noqday ninka ugu taajirsan caalamka

24

Larry Ellison ayaa maanta noqday maalqabeenka koowaad ee dunidda, isagoo ka dul booday Elon Musk, kaddib markii maanta oo kaliya uu faa’iiday 101 bilyan oo dollar, sida ay sheegtay Bloomberg, oo ku tilmaamtay guushan mid aan horey loo diiwaangelin.

Maanta, hantida uu leeyahay Larry Ellison waxay gaartay qiyaastii $393 bilyan, halka Musk uu hoos ugu dhacay qiyaastii $385 bilyan.

Haddaba waa kuma Larry Ellison?

Ellison oo ku dhashay magaalada New York sanadkii 1944, waxa uu ku koray nolol adag kadib markii ay hooyadiis ay carruurnimadiisa ku wareejisay qoys kale oo korsada oo ay qaraabo ahaayeen. Wuxuu labo mar isku dayay inuu jaamacad dhammeeyo , balse wuu ku guul darraystay oo waligiiba jaamacad ma dhammeyn, isagoo markii dambe isaga tagay.

Sannadkii 1977, isagoo jeebkiisa ku jirto $2,000 oo keliya, wuxuu aasaasay shirkad software ah oo markii dambe noqotay Oracle Corporation, taa oo ay shirkadda maanta hoggaamisa database-ka iyo software-ka caalamka.

Guushaas hore waxay ahayd aasaaska hantida uu maanta ku fadhiyo, balse waxaa si weyn ugu sahlay inuu noqdo maalqabeenka koowaad waa kororka xoogan ee Oracle ka sameysay qaybta tiknoolajiyada casriga ah sida cloud computing iyo artificial intelligence (AI).

Larry Ellison, sheekadiisu waxay tusaale u tahay in guusha dhabta ahi aysan ku xirnayn shahaado jaamacadeed, balse ay ku xirantahay hal-abuur, qorshe iyo dulqaad. Wiilkii yaraa ee aysan hooyadii awoodin inay koriso oo $2,000 ku bilaabay dhismaha shirkad ,maanta waa ninka ugu hantida badan caalamka.