Ciidanka Booliska maamulka Puntland , ayaa gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay in dil argagax leh u geestay xaaskiisa, falkan ayaana ka dhacay degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.
Warkan oo ka soo baxay Taliska Qeybta Booliska gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in ciidanka saldhiga Galdogob ay gacanta ku soo dhigeen eedaysane Faarax Xasan Aadan, oo ku eedeysan dilka xaaskiisa marxuumad Samsam Maxamed Xaashi .
“Ciidanka Booliska Gobolka Mudug, gaar ahaan Saldhigga Booliska degmada Galdogob ayaa gacanta ku soodhigay eedaysane faarax xasan Aadan oo ku eedaysan dilka Marxuumad Samsam Maxamed Xaashi oo ahayd xaaskiisa” ayuu u qornaa warkan ka soo baxay Booliska.
Dadka deegaanka ayaana aad uga argagaxay falkan dilka ah uu ninkan u geestay xaaskiisa oo muddo dheer wada noolaayeen carruur badana u heestay, waxa ayna booliiska Puntland sheegeen in ninkan maxkamad si deg deg ah loo horgeyn doono.