Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in uusan isku soo taagi doonin xilka madaxweynaha Soomaaliya, isagoo xusay inuusan marnaba la tartami doonin madaxweynihii magacaabay.
“Anigu madaxweynihii i magacaabay islama sharaxayo. Dadka oo dhan waan u sheegaa, wayna iska caddahay taas. Haddii uusan isagu is sharixin waan eegidoonaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse oo caawa ka qeyb galayay barnaamij su’aalo lagu weydiinayay, xilli ay saddex sano ka soo wareegtay markii xilka loo magacaabay.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay saaxiibo ahaayeen muddo ka badan 20 sano, islamarkaana aysan ahayn kuwo kaliya ku kulmay siyaasadda iyo magacaabiddiisa. Wuxuu sheegay in wada-shaqeyntooda saddexda sano ee la soo dhaafay ay ku dhisnayd is-ixtiraam iyo kalsooni.
Xamse Cabdi Barre wuxuu sheegay inuu xafiiska u yimid si uu shacabka ugu adeego, isla markaana uu ka fogaado wax kasta oo khilaaf ah oo curyaamin kara horumarka dalka.
Wuxuu intaa ku daray in aysan suurtagal ahayn inuu iska garab sharaxo madaxweynihii siiyay fursadda uu ku noqday Ra’iisul Wasaaraha dalka, balse taa beddelkeeda uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saddex sano ka hor Ra’iisul Wasaare u magacaabay Xamse Cabdi Barre oo markaas xubin ka ahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, muddadaasna labadooda marna iskuma khilaafin arrimaha siyaasadda ee dalka.