Xildhiban Dayax oo diiday fuusto u sooriixay Xildhibaan Caana-nuug

34

Waxaa fal celin culus ay ay ka dhalatay hadal shalay ka soo yeeray Xildhibaan Caana-nuug kaasoo ahaa inuu daawaday hadalkii Afhayeenka Alshabaab ee Cali Dheere uu kaga soo hor jeeday in Dowladu shacabka shacabka ka saarto dhulalka danta guud.

Xildhiban Dayax Cumar oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku sheegay mucaaradka khibrad xumo siyaasadeed.

“Waa ogaa in khibrad xumada siyaasadda ay haadaan kaala dhaceyso, mase u heysan inay kula gaareyso inaad shacab ku baadi karto ( Ku shaabadeynta Cali Dheere ). Mida kale , sow adiga ma aheyn midkii diidanaa Macawiisleydii lagula dagaalamayey Cali Dheere?” ayuu yiri Xildhibaan Dayax Cumar

Xildhibaan Dayax wuxuu sheegay in la soo direy xildhibaan Caana-nuug isagoona hadaladiisa ku soo afjaray Waa lagu soo diray mandhaw ee yaa kusoo diray?

Sidoo kale waxaa falcelin sameeyay C/risaaq Yuusuf ayaa isna sheegay inay mucaaradka ku ogaayeen in xaalad wareer ah ku jiraan balse aysan ogeyn in wareerkaasi ilaa Ashabaab uu gaarayo.

“Waan ogeen in Mucaaradku xaalad wareer ah ku jiraan, lkn ma ogeen in wareerkoodu gaaray in Cali Dheere iyo Argagixiso la buunbuuniyo oo la bogaadiyo”ayuu yiri C/risaaq Yuusuf