Congresska oo ogolaaday baahinta fadeexad galmo oo uu trump kujiro

17

Labada gole ee Congress-ka ayaa isku raacay in ay amar ku bixiyaan waaxda cadaaladda ee Mareykanka in ay sii daayaan faylasha ay ka hayaan maalgeliyaha dambiilaha galmada Jeffrey Epstein.

Golaha wakiillada ayaa si aqlabiyad ah ku ansixiyay 427-1 cod, guurtiduna waxay si wadajir ah ugu raaceen iyada oo aan cod rasmi ah loo qaadin.

Talaabooyinkan ayaa imaanaya maalmo ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu ka noqday mawqifkiisii ​​​​isaga oo ku boorriyay Congress-ka inay u codeeyaan in la shaaciyo diiwaanka ka dib cadaadis dadweyne oo badan oo taageerayaashiisa ah.

Toddobaadkii hore, Trump iyo xiriirkii uu la lahaa Epstein ayay mar kale warbaahintu hadal heysay ka dib markii in ka badan 20,000 oo bog oo dukumeenti ah – oo qaarkood ay xuseen madaxweynaha – la sii daayay.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku boorriyay Xisbiga Jamhuuriga ee Kongareeska inay u codeeyaan in la sii daayo faylasha fadeexadda ah ee la xiriira Jeffrey Epstein – arrin si lama filaan ah uga soo horjeedda mowqifkiisii hore oo uu ku diidanaa dadaallada lagu doonayay in faylashaas lagu shaaciyo.

Jeffrey Epstein, oo geeriyooday, wuxuu ahaa maalqabeen Maraykan ah oo lagu xukumay dambiyo la xiriira kufsiga carruurta. Waxaa laga helay isagoo dhintay qolka xabsiga sanadkii 2019 xilli uu sugayay maxkamad kale oo ku saabsan dambiyo ka ganacsiga dadka.

Epstein wuxuu xiriir dhow la lahaa dad caan ah oo ay ku jiraan siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo ganacsato. Wuxuu hantidiisa iyo saameyntiisa u adeegsaday inuu si galmo ah u xadgudbo oo u ka ganacsado gabdho yar yar, iyadoo uu ka caawinayay saaxibtiis muddo dheer, Ghislaine Maxwell.

Faylasha Epstein, waxaa loo arkaa kuwa ugu wasakhda badan adduunka, waa kiis isagoo dhan ku saabsan xad-gudub ay dadka ugu caansan inta badan dunidda oo xataa Trump iyo madax Carab ah kula kacayaan haween iyo carruur.

Kiiskan sidoo kale muddo dheer ayaa laga hortagayay in bannaanka loo soo saaro, balse hadda sharci dejiyaasha Mareykanka ayaa ku qasbaya wasaaradda caddaaladda Mareykanka inay daah qaado kiiskan.