Maxamed Mursal oo isku dhiibay Laftagareen

60

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay inuu beddeley qorshihiisa ku aaddan doorashooyinka qof iyo cod iyo heshiiskii uu la galay madaxtooya Somalia.

Waxa uu ku dhawaaqay inuu gebi ahaanba isaga baxay xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran oo dhawaan laga diiwaangeliyay guddiga doorashooyinka, ayna ku midoobeen qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Somalia.

Maxamed Mursal oo bayaan kooban soo saaray ayaa tilmaamay in go’aankiisu yahay mid uu ku doonayo madaxbannaani iyo dhiibashada aragti siyaasadeed oo uusan cid kale u daba-fariisan.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka hadana ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana kulanka goobjoog ahaa Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saransoor).

Laftagareen ayaa dhowaan siyaasiyiin uu ka mid ahaa Maxamed Mursal u diiday iney booqdaan magaalada Baydhabo, hase ahaatee Mursal ayaa haatan u muuqda inuu isku dhiibay Madaxweyne Laftagareen.