Maryan Maxamed Nuur oo lagu Xukumay 6 Sano oo Xabsi ah

48

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun adag ku ridday Maryan Maxamed Nuur, kadib markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu ku soo oogay eedo culus oo la xiriira maalgelin falal argagixiso, lacag dhaqid sharci darro ah, iyo ku lug lahaansho hawlo dhaqaale oo loo adeegsaday ururka Al-Shabaab.

Sida ku cad war-saxaafadeedka ay soo saareen Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, baaritaanno qoto dheer oo la sameeyay ayaa muujiyay in Maryan Maxamed Nuur ay isticmaashay shan koonto bangi iyo shan taleefan, kuwaas oo lagu dhex marsiiyay lacag dhan $2,170,889 (Laba Milyan, Boqol iyo Todobaatan Kun, Sideed Boqol iyo Sideetan iyo Sagaal Dollar).

Xafiiska Xeer Ilaalintu wuxuu sheegay in lacagahaasi loo adeegsaday, Maalgelineed falal argagixiso, Lacag dhaqid sharci darro ah, Fulinta qaraxyo, Dillaalka iyo iibinta agab argagixiso, Isku dirka qabaa’ilka iyo dhibaatooyin kale oo argagixisadu ku hayso bulshada Soomaaliyeed

Sida lagu sheegay bayaan xafiiska xeer ilaalinta kasoo baxay, Kadib markii maxkamaddu ay dhageysatay caddeymaha la horgeeyay, waxay Maryan Maxamed Nuur ku xukuntay, 6 sano oo xabsi ah, Ganaax lacageed oo ah $20,000, In lala wareego 8 boos oo dhul ah iyo n la baab’iyo dhammaan akoonaaddeeda, lana wareegto dowladda wixii hanti ah ee ku jira

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku adkeystay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay la-dagaalanka maalgelinta argagixisada, lacag dhaqidda iyo falalka khatarta ah ee halista ku haya nabadgelyada dalka.