Toogasho kadhacday Aqalka cad hortiisa +SAWIRRO

68

Laba askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Mareykanka ayaa dhaawac culus gaaray ka dib markii rasaas lagula beegsaday Washington DC, dhowr tallaabo meel u jirta Aqalka Cad, taasoo duqa magaalada uu ku tilmaamay “rasaas si gaar ah loola beegsaday”.

Booliska ayaa sheegay in ninka la tuhunsanyahay uu rasaas ku furay labada askari ee ka tirsan Ciidanka Qaranka ee West Virginia gelinkii dambe ee Arbacada, ka hor inta aanay ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Qaranka oo agagaarka joogay aaney ka hortagin falkan.

Madaxweynaha Donald Trump, oo waqtigaas ku sugnaa Florida, ayaa sheegay in qofka la tuhunsan yahay uu ahaa muwaadin u dhashay Afghanistan oo Maraykanka soo galay bishii September sanadkii 2021-ka.

Wuxuu ballan qaaday in maamulkiisu uu hubin doono in eedeysanuhu uu mari doono” ciqaabta ugu daran ee suurtogalka ah” iyadoo loo eegayo “fal xun, fal nacayb iyo fal argagixiso”.

Waaxda Amniga Gudaha ayaa ayaa shaacisya magaca eedeysanaha weerarka gaystay, iyadoo war-saxaafadeed la soo saaray lagu sheegay, in ninkaan lagu magacaabo Rahmanullah Lakamal, waxaana lagu tilmaamay “muhaajir dambiyo galay oo ka yimid Afghanistan”.