
Trump ayaa ku hanjabay inuu jari doono kaalmada dhaqaale ee Mareykanka uu siiyo dalka Honduras ee bartamaha qaaradda Ameerika, haddii shacabka dalkaasi aysan u codeyn musharraxa uu isagu taageerayo doorashada madaxtinimada ee soo socota.
Hanjabaaddan ayaa noqotay la yaab iyo tusaale kale oo muujinaya sida Trump uu u faragelinayo siyaasadaha gudaha ee dalal kale tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad.

Trump ayaa qoraal uu baahiyay wuxuu ku yiri ;”Haddii Asfura uusan guuleysan, Mareykanku ma sii wadi doono inuu lacag wanaagsan ku tuuro meel xun.”
Natiijada doorashada Axaddii billaabatay ayaa hadda muujinaysa inuu ku horreeyo Nasry “Tito” Asfura, oo 67 jir ah, ahna siyaasi midigta fog ah, sidoo kalena uu Trump si buuxda u garab taagan yahay. Asfura waa wiil ay dhaleen qoys qaxooti Falastiini ah oo u guuray Honduras.

Labada musharrax ee ugu waaweyn ee Asfura la tartamayo waa:
Rixi Moncada (60 jir) – wasiirkii hore ee difaaca, oo u tartamaysa xisbiga bidix ee talada haya.
Salvador Nasralla (72 jir) – wariye, ka soo jeeda asal ahaan Lubnaan.

Tani ma aha markii ugu horreysay ee Trump sidan oo kale u hanjabo. Doorashadii dhexe ee Argentina dhawaan, wuxuu sidoo kale ku gooddiyay in haddii xisbiga Madaxweyne Javier Milei uu waayo aqlabiyadda, Mareykanku uusan sii caawin doonin Argentina. Xisbiga Milei ugu dambeyntii waa uu guuleystay.





















