Yuhuuda oo bilaabay inay kaqaxaan dhulka Falstiin

39

Tan iyo dagaalkii labaad ee dunida, Yuhuuddii ugu badnayd baa maalin kaliya la dilay Oct. 7, 2023. Waxaa la isku-raacsan yahay in ilaa waqtigaa la dilay 2,000 Yahuud ah. ciidammadii kaydka ahaa ee loogu yeeray inay dagaalka galaan, way yimaaddeen. Laakiin waa la niyad-jabiyey kaddib boqollaal maalmood oo ay dagaal ku jireen.

Waxaa niyadda ka jabiyey dawladda. Kuwii xagjirka ahaa ee ultra-Orthodox ayaa meesha laga saaray. Taana waxay keentay askar-yaraan. Waxaa kale oo jira dad Milleteriga xiriir la leh oo dhaqaale badan dalka soo galiya iyo dadka baxaya xiriir ka dhexeeya.

Waxaa ka mid ah kuwa dareemaya in loola dhaqmo sidii dad aan waxba haysan, sidaas darteedna go’aansada inay tijaabiyaan nasiibkooda, iyo malaha tan ugu muhiimsan oo ah, inay ixtiraam iyo nolol ka helaan waddamo kale. Intii uu dagaalku socday, inyar oo midnnimo ah, ayaa la helay, laakiin taas hadda waxaa kala tuuray Maamulka Netanyahu oo wax walba oo maamulkiisa ah gacanta kaligii ku dhigay.

Prime Minister-ka waxaa su’aalo laga waydiinayaa haddiyado uu ku helay qaab sigaar iyo khamriga qaaliga ah. Kuwaa oo ay isaga u soo direen saaxiibbadii. Mid ka mid ah wiilashiisa, wuxuu ku nool yahay Miami, Maraykanka. Waxaana ku hareeraysan ilaalo lacagta la siiyo ay bixiyaan dadka Yuhuudda ah.

In badan oo wiilkiisa da’diisa ah, ayaa ka dagaallamaya Gaza iyo Lubnaan. In badan oo iyaga ka mid ah baa ganacsigii ka lumay oo kacay.

Dhallinyaro badan oo shaqaynayey, ayaa waqtigu ku xun yahay. Askar badan baa xaasaskoodii iyo carruurtoodii kala irdhoobay ama waqti aan isku helin. Sababta ay dadkani u qaxayaan, tan baa ugu muhiimsan. Dadka aqoonta leh sida kuwa bartay caafimaadka, competerrada, Akadeemic ah ama ku jira ganacsiyada waawayn, waa ka mid ah kuwa tagaya.

Dadku ma doonayaan dagaallada. Dadka maanta jooga ee Israa’iliyiinta ah waxay dareemayaan rajo la’aan. Xisbiyada Liberal-ka horusocodka ah (The progressive liberals), kalsoonidii uu ku qabay dawladda way luntay.

Sidaa darteed, ma rumaysna in Israa’iil ay buuxin karto riyadoodii ahayd, inay yihiin Yuhuud democratic ah oo nabad ku nool. Sidoo kale ma rumaysna dadkaa, inay iyaga oo xor ah codkooda dhiiban karaan. Waxayna goosanayaan ticket one-way ah oo ay dalka ugu baxayaan.