DAAWO: Cirro oo joojiyay bandhigga xeer Ciise

76
Ciro
Ciro

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullahi Maxamed (Cirro) oo maanta qaaday tallaabo deg-deg ah ah oo la xiriira xaaladdda Boorama ayaa joojiyay bandhigga xeer Ciise ee rabshadaha ka riday magaaladaasi.

Cirro ayaa sheegay inuu isaga oo eegaya maslaxada guud darteed uu baajiyay qabashada bandhiggan, si looga hortago in rabashaduhu ay sii socdaan.

“Maanta waxaa aan Madaxweyne ahaan joojiyey munaasabadda xuska Xeer Ciise, aniga oo ka eegaya danta guud iyo dareenka umaddayda” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka reer Awdal, isaga oo ugu baaqay inay deganaan muujiyaan, si loo ilaaliyo xasiloonida guud ee deegaanka.

“Dhammaan bulshada reer Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal waxan ugu baaqayaa nabad, xasilooni iyo isku duubni umaddeed” ayuu mar kale yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan farayaa ciidamada kala duwan ee amniga in la adkeeyo nabad-gelyada, khasaare dambena aanu dhicin”. ayuu sii raaciyay.

Rabshadaha Boorama oo soo bilowday xalay kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac ayaa waxaa ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.

Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo iyagu isku hayaan deegaankaasi.