
Booliiska Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen nin lagu soo koobay magaca Ayuub, kaasi oo lagu eedeeyay inuu duubay muuqaallo anshax-xumo ah oo uu ka qaaday gabdho Soomaaliyeed.
War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ninkan, oo asal ahaan ku dhashay magaalada Muqdisho, balse muddo ku noolaa qaaradda Yurub gaar ahaan Talyaaniga iyo Australia, lagu qabtay howlgal qorshaysan oo ka dambeeyay cabasho ay gudbiyeen haween uu ku takri-falay.
Booliiska Jigjiga ayaa sheegay in baaritaanka hordhaca ah lagu ogaaday in Ayuub uu hablaha ku bartay baraha bulshada, isagoo xiriir shukaansi u sameysan jiray, kadibna ku wici jiray muuqaal (video call) si uu ugu duubo muuqaal xasaasi ah. Waxa la sheegay in uu gabdhaha qaarkood ku hanjabi jiray inuu baraha bulshada ku faafin doono muuqaalladaas, halka kuwo kalena uu ka faa’iidaysan jiray duruufo nololeed oo ay ku sugnaayeen.
Booliiska ayaa intaas ku daray in telefoonka ninkan laga helay muuqaallo uu ku duubay magaalooyin kala duwan sida Muqdisho, Hargeysa, Garoowe, Wajaale, Addis Ababa iyo Jigjiga.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa xusay in tani aysan ahayn kiiskii ugu horreeyay ee noociisa ah, maadaama horey loo qabtay rag kale oo ku eedeysnaa falal la mid ah, kuwaas oo qaarkood dib looga soo celiyay dalal ay u baxsadeen. Bulshada ayaa ku baaqaysa in baaris dhammaystiran lagu sameeyo eedeysanayaasha noocan ah si loo ogaado shabakad ama cid kasta oo ka dambeysa falalka sharci-darrada ah.




















