Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ku geeriyooday Jabuuti

685

Taliyihii hore ee ciidanka booliiska Soomaaliya, Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib, ayaa ku geeryooday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Marxuunka ayaa u geeryooday sida ay wararku sheegayaan xanuun dhanka wadnaha ah. Waayadii dambey waxaa uu macallin ka ahaa jaamacadda Ummadda ee Muqdisho.

Jaamac Maxamed Qaalib ayaa sannadkii 1933-dii ku dhashay deegaanka Dhoodi-gaban ee gobolka Sanaag. Wuxuuna booliiska ku biiray bishii April sannadkii 1955kii.

Sannadihii 1956kii ilaa 1957kii, waxa uu tababarro ku qaatay Machadkii Tababarrada ee Sheekh, ka dibna waxa uu tababar kale u tagay Dugsigii Tababarka Booliiska ee Metropolitan Police, London.

Bishii may sannadkii 1962kii, Jaamac Maxamed Qaalib waxa loo magacaabay Madaxa Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliyeed. Jaamac Maxamed Qaalib, waxa loo magacaabay Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed bishii February ee sannadkii 1970kii.