Ciidanka RSF oo qabsaday ceelka shidaalka ugu weyn ee Suudaan

60

Ciidamada (RSF) ee Sudan ayaa saaka Isniin ah gudaha u galay oo qabsaday ceelka shidaalka ee Heglig oo ku yaal gobolka Kordofan Galbeed, koonfurta dalka Sudan.

Tani waa dhacdo cusub oo muujinaysa in dagaalka u dhexeeya ciidanka Sudan iyo RSF uu sii baahay tan iyo markii uu billowday Abriil 2023.

Ilo maxalli ah iyo kuwa ciidan ayaa sheegay in weerarku uu bartilmaameed ka dhigtay ceelka istiraatiijiga ah ee xadka u dhow Koonfurta Sudan, iyo sidoo kale saldhigga guutada 90-aad ee ciidanka oo ku yaalla hareeraha aaggaas.

Tani waxay sababtay dagaal culus, iyadoo wararkii ugu horreeyay ay sheegayaan in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac, halka gobolka uu weli ku jiro xaalad amni oo cakiran.

Injineer ka shaqeeya ceelka ayaa xaqiijiyay in RSF ay qabsatay xaruntaas.