Dowlada oo sheegtay inay dalka xaalad degdeg ah gelinayso 25-ka December

59

Sida maanta ay cadeeyeen Gudiga Doorashooyinka Qaranka ee Dowlada Somalia dalka guud ahaan waxaa la gelinayaa xaalad degdeg ah ama bandow gaar ahaan meelaha Dowladu ka taliso.

Bandawgaan ayay Gudigu sheegeen in loo sameynayo Doorashooyinka Golaha deegaanka ee qof & cod dartood kaasoo bilaabanaya 25-ka bishaan December oo ay naga xigto wax ka yar 10 maalin.

Mucaaradka ayaa marar badan waxay ku celceliyeen in Dowladu dooneyso doorashooyin iyada u qaas ah madaama ay diiday inay ku qanciso mucaaradka iyo cid kasta oo rabta inay doorashooyinka qeyb ka noqdaan.

Inkastoo doorashadaani tahay tii Golaha deegaanka oo kaliya uun mid ilaa heer degmooyin ku eg hadana waxaa ku xigi doonta 2026-bisha isha May doorashadii madaxtinimada guud madaama uu waqtigaasi ku egyahay xiliga Madaxweyne Xasan iyo guud ahaan Xukuumadiisa.

Si kastaba waxaa aad u soo xoogeysanaya inuu jiro qorshe culus oo Madaxweyne Xasan dalka la doonayo taasoo ah inuusan dhicin sideedaba oo uu qaato siyaasadaha waqtiyadaan danbe dunida ku soo badanaya kaasoo ah in Madaxweynuhu awooda Dowladnimo kaga faa’iideysto inuu xukunka iska heysto sida Madaxweynayaasha Uganda,Jabuuti,Eriteria,Itoobiya iyo kuwi intaasi ka sii waqti dheer oo qaarkood ku waayeeloobeen.