Somaliland oo sheegtay ineysan awoodin joojinta nidaamka E-Visa

63

Somaliland ayaa si dadban u qiratay in nidaamka e-Visa ee ay dowladda federaalka Soomaaliya dhaqan-gelisay uu hadda si dhab ah u shaqaynayo, isla markaana aanay awoodin inay si buuxda u joojiso, inkasta oo ay ku adkaysanayso in fiisahaasi aanu ka shaqaynayn deegaannadeeda.

Fuaad Axmed Nuur Wasiirka Duulista iyo Garoomada Somaliland, , ayaa sheegay in weli aan xal sharci ah laga gaarin muranka maamulka hawada ee Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana sidoo kale aan wax heshiis ah laga gaarin qaddiyadda e-Visa.

Wuxuu ku eedeeyay Soomaaliya inay “si khaldan uga faa’iidaysanayso” heshiiskii 2012, isagoo sheegay in Muqdisho ay uga dhigtay mid u sahlaya inay ku muujiso in ay maamusho hawada Somaliland, Wasiir Fuaad ayaa sheegay in Somaliland ay arrimahaas “sharci ahaan u daba soconayso,” si ay u raacdo waddooyin ay ku muujinayso, sida uu yiri, in Soomaaliya aanay awood sharci ku lahayn Somaliland.

Hase yeeshee, marka la joogo e-Visa, wasiirku wuxuu qirtay in rakaabka la weydiinayo e-Visa, taasoo muujinaysa in nidaamku dhaqan-gal yahay, inkasta oo uu ku dooday in Somaliland aysan aqbalayn.