Israel oo Somaliland u aqoonsatay dal madaxbanaan

44

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Somaliland loo aqoonsaday dowlad madax-bannaan oo leh madax-bannaani buuxda. Tallaabadan taariikhiga ah waxaa ka dhashay saxiixa bayaan wadajir ah oo is-afgarad ah, kaas oo lagu saxiixay Ra’iisul Wasaaraha Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Eli Cohen Sa’ar, iyo Madaxweyna Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

Bayaankan waxaa lagu sheegay inuu ku salaysan yahay ruuxda Heshiisyada Abraham, kuwaas oo horey u horseeday xoojinta nabadda iyo iskaashiga gobolka. Ra’iisul Wasaaraha Netanyahu ayaa ku amaanay Madaxweynaha Somaliland hoggaamintiisa hufan iyo dadaalkiisa ku aaddan horumarinta xasilloonida iyo nabadda, isagoona casuumay Madaxweynaha Somaliland booqasho rasmi ah oo uu ku yimaado Israel.

Madaxweynaha Somaliland ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Netanyahu ku dhawaaqistiisa taariikhiga ah, isagoo muujiyay qaddarintiisa ku aaddan dadaallada Israel ee la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta nabadda gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa sidoo kale u mahadceliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sa’ar, Madaxa Mossad David Barnea, iyo dhammaan shaqaalaha hay’adda Mossad ee ka qeybqaatay horumarkan taariikhiga ah, wuxuuna shacabka Somaliland u rajeeyay guul, barwaaqo, iyo xorriyad.

Ugu danbayn Israel ayaa qorsheyneysa in si degdeg ah loo ballaariyo xiriirka cusub ee ay la leedahay Somaliland, iyadoo xoogga la saarayo iskaashi dhanka beeraha, caafimaadka, tignoolajiyada, iyo dhaqaalaha, si loo xoojiyo wadajirka iyo horumarka labada dhinac.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN