
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa shir degdeg ah iskugu yeeray Golaha Wasiirrada
Shirkan ayaa looga hadlaya arrinta kasoo korortay aqoonsi raadinta Somaliland, kadib markii Israa’iil ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dal madax-banaan u aqoonsatay Somaliland.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa goor sii horeysay si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xaqiijiyay in Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ay wada saxiixeen bayaan wadajir ah oo ku saabsan aqoonsiga labada dhinac.
Netanyahu ayaa xusay in tallaabadani ay waafaqsan tahay “Ruuxda Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords), oo ah hannaan uu Mareykanku garwadeen ka ahaa oo lagu caadiyeynayay xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta/Islaamka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, oo dhankiisa xaqiijiyay go’aankan, ayaa sheegay inuu la hadlay Madaxweyne Cirro, ayna isla garteen in maanta ay tahay “maalin weyn” oo u soo hoyatay labada dhinac.
Wuxuu intaas ku daray inay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan aqoonsiga iyo aasaaska xiriir diblomaasiyadeed oo dhameystiran.
Si kastaba, Dowladda Soomaaliya weligeed xiriir diblomaasi lama yeelan Tel Aviv. Waxaana la filayaa inay xukuumadda Soomaaliya si adag uga hortimaado dhawaaqa kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israel.




















