DAAWO Muuse Biixi: “Aqoonsiga Israa’iil waa fursad taariikhi ah”

133

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka mid ah masuuliyiinta si weyn uga falceliyey warka ku saabsan aqoonsiga Somaliland ee ay bixisay Israa’iil, isaga oo ka warramay xaaladdii uu ku sugnaa markii uu helay warkaasi.

Muuse Biixi ayaa sheegay in warka aqoonsiga uu si toos ah uga helay Madaxweynaha hadda xilka haya ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

“Madaxweynuhu waxa uu igu yidhi: Ictiraafkii baa diyaar ah ee soo orod, kabo la’aanna waan ku soo orday,” ayuu yidhi Muuse Biixi, isaga oo tilmaamay sida uu warku ugu ahaa mid lama filaan ah oo farxad leh.

Ka hor shalay abbaaro casarkii, xilli aanay weli Israa’iil iyo Somaliland si rasmi ah ugu dhawaaqin go’aanka aqoonsiga, Madaxweynaha Somaliland ayaa madaxtooyada ugu yeedhay madaxdii hore ee Somaliland iyo qaar ka mid ah haldoorka bulshada. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka mid ahaa dadkii ka soo qayb galay kulankaas.

Madaxweynihii hore ayaa soo dhaweeyey aqoonsiga, hase yeeshee waxa uu ka digay in aanu noqon mid keena fidno ama khilaaf gudaha ah. Waxa uu adkeeyey baahida loo qabo wacyigelin ballaadhan.

“Waxaannu Ilaahay ka baryaynaa inaanay fidmo gudaheenna ka abuurin. Dadka caadifadda badan waa in la wacyigeliyaa, lana ogeysiiyaa inta dal oo Muslim ah ee Israa’iil xidhiidh la leh,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, Muuse Biixi ayaa xusay in aqoonsigani yahay “albaab furmay” oo u baahan in si wadajir ah looga faa’iidaysto, isaga oo siyaasiyiinta iyo bulshada Somaliland ugu baaqay midnimo iyo wada shaqayn.

Dhanka kale, aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland ayaa abuuray diidmo xooggan oo ka timid Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dalal kale oo gobolka iyo caalamka ah. Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray kulan degdeg ah, iyaga oo ku adkeeyey in “midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya aan gorgortan laga geli karin.”

Warsaxaafadeedkaasi waxa kale oo lagu sheegay in xukuumadda federaalku “si cad oo aan leexleexad lahayn u gacan sayrayso tallaabada sharci-darrada ah ee Israa’iil ay ku aqoonsanayso gobolka waqooyi ee Soomaaliya.”

Falcelinno la mid ah ayaa ka yimid Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abul Gheit, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, iyo Xukuumadda Sacuudiga, kuwaas oo dhammaantood sheegay in aqoonsiga Somaliland uu yahay mid sharci-darro ah. Midowga Afrika ayaa isna muujiyey walaac ku saabsan arrintan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bilaabay dedaallo diblomaasiyadeed oo uu taageero ugu raadinayo midnimada dalka, isaga oo la xidhiidhay madaxweynayaal iyo hoggaamiyeyaal caalami ah.

Halkaas ka soo horjeedkeeda, magaalooyinka Somaliland ayaa lagu arkay dabbaaldegyo waaweyn, kuwaas oo qaar kale oo dheeraad ahi qorshaysan yihiin.

Somaliland, oo ku dhawaaqday madaxbannaanideeda 1991 kaddib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, ayaa tan iyo markaas raadinaysay aqoonsi caalami ah. Inkasta oo ay jireen dalal siyaabo kala duwan ula macaamilay, haddana Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u aqoonsada madaxbannaanida Somaliland, sida lagu sheegay warkan.