
Midowga Yurub ayaa taageerray midnimada , madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya , sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu baahiyay Midowga Yurub oo sidoo kale ku boorriyay wadahadal macno leh dawladda Federaalka iyo Somaliland, si xal waara loogu helo khilaafaadka soo jireenka ah.
Midowga Yurub (EU) wuxuu mar kale adkeynayaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad Dastuurkeeda, Axdiyada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Arrintani waa furaha nabadda iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.
Midowga Yurub wuxuu ku dhiirrigelinayaa wada-hadal macno leh oo u dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si xal waara loogu helo khilaafaadka muddada dheer taagnaa.
Dhinaca kale, Jamhuuriyadda Serbia ayaa waxay muujisey taageero buuxda oo ay u hayso midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dhiirrigelineysaa dhammaan dadaallada lagu doonayo in lagu ilaaliyo nabadda, xasilloonida, iyo wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Aqoonsiga Israel ay siisay Somaliland ayaa cambaareyn xoogan kala kulmaya dalalka caalamka inkastoo Israel ay ku caan baxday ineysan ilaalin shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah, kuna dhaqaaqdo talaabo kasta oo ay damacdo.




















