Senator Dubbe oo kudhowaaqay inuu iska casilay xildhibaanimada

88

Senator Osman Dubbe, oo ka tirsanaa Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, isla markaana horay u soo noqday Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah uga tanaasulay xubinnimadiisii Aqalka Sare.

Senator-ka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in go’aankiisa is-casilaadda uu salka ku hayo walaac uu ka muujiyay tallaabooyin uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka shaqeynayo, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo halis ku ah deegaankiisa. Waxa uu xusay inuusan diyaar u ahayn in uu qeyb ka noqdo dhibaato, sida uu hadalka u dhigay, lagu hayo bulshada uu matalo.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, isugu jira Xildhibaano iyo Senatorro, ay iyaguna qorsheynayaan inay qaadaan tallaabooyin la mid ah tan uu qaaday Senator Osman Dubbe.

Sidoo kale, sida aan xalay baahinay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu fariin u diray xubnaha Baarlamaanka, taas oo uu ku adkeeyay in aysan aamusnaan karin, isla markaana looga baahan yahay inay muujiyaan aragtidooda si cad muddo 7 maalmood gudahood ah.

Wararkan ayaa imaanaya xilli ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana indhaha lagu hayo sida ay arrimahani u saameyn doonaan wada shaqeynta hay’adaha dowladda.