Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yeman oo u hanjabay Somaliland

65

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yeman Cabdulmalik Badrudin Al-xuthi ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadlay isku dayga Yuhuuda ay ku dooneyso inay dhul Soomaaliya ay leedahay qabsato iyagoo u raba Itoobiyaanka,wuxuuna hanjabaad hawada u soo mariyay Maamulka Somalialnd.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yeman wuxuu si cad u sheegay  inay weerarri doonaan dhulka Maamulka Somaliland hadii Yuhuudu cagta soo dhigto.

War goor dhaw ka soo baxay hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayuu ku diiday aqoonsiga ay Yahuuda siisay maamulka Somaliland,Hogaamiyahaan warkiisa waxaa ku jira in hadii xiligaan ay yuhuudu dad ka joogaan Somaliland bartilmaameed u yihiin oo ay weerari doonaan.

Reer Somaliland oo nus qarni ku dhawaa nabad heystay hada waxay u muuqdaan inay gacmahooda dhibaato ku soo jiidanayaan taasina ay kaga hortagi karaan hadii caqliga waxgaradkoodu shaqeeyo.