Mali iyo Burkina Faso oo Ka Mamnuucay Muwaadiniinta Mareykanka Gelitaanka Dalalkooda

61

Dalalka Mali iyo Burkina Faso ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay ka mamnuucayaan muwaadiniinta Mareykanka inay soo galaan dalalkooda, tallaabadaas oo ay ku sifeeyeen jawaab toos ah oo ka dhan ah go’aanka Washington ee ahaa in muwaadiniintooda laga mamnuuco gelitaanka Mareykanka.

Labadan dal ee Galbeedka Afrika, kuwaas oo ay hoggaaminayaan xukuumado militari ah, ayaa ku dhawaaqay go’aankan habeenkii Talaadada, iyagoo caddeeyay in xayiraaddu si degdeg ah u dhaqan gashay.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Mareykanku soo rogay xayiraado dhanka safarka ah oo saameeyay dhowr waddan oo ku yaalla Afrika iyo Bariga Dhexe, kuwaas oo uu amray Madaxweyne Donald Trump.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mali ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dalkaasi uu hirgelinayo mabda’a is-dhaafsiga (reciprocity), iyadoo intaas ku dartay in muwaadiniinta Mareykanka hadda lagu dabaqi doono isla shuruudihii gelitaanka ee Mareykanku ku soo rogay muwaadiniinta Mali.

Dhankeeda, dowladda Burkina Faso ayaa sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta dheelitirka awoodda iyo madax-bannaanida go’aan qaadashada, balse ay weli u furan tahay iskaashi caalami ah oo ku saleysan ixtiraam iyo dano wadaag ah.

Mali iyo Burkina Faso, oo ay weheliyaan dalka deriska ah ee Niger, ayaa dhawaan ka baxay ururka gobolka ee ECOWAS, iyagoo beddelkeeda sameystay Midowga Qaramada Saaxil, tallaabo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasaddooda gobolka.