DAAWO: Soomaaliya laguma kala goyn karo saxiix shisheeye

67

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay tallaabooyinkii u dambeeyay ee maamulka Somaliland, oo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay marar badan ka leexatay fursado wada-hadal oo lagu gaari lahaa xal siyaasadeed, isagoo tilmaamay in madaxdii kala dambeeyay ee maamulkaasi ay ka gaabiyeen ka faa’iidaysiga wada-hadallo horseedi kari lahaa midnimo iyo is-afgarad qaran.

“Waxay qaadeen waddooyin sii kala fogeeyay dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, oo sheegay in wada-hadalka uu yahay xalka wax walba oo la isku hayo ama tabanayaan reer Somaliland.

Hoggaanka maamulka Somaliland ayuu madaxweynuhu ku eedeeyay inay aad ugu nugul yihiin fara-gelin shisheeye, gaar ahaan isku day kasta oo la xiriira raadinta aqoonsi dibadeed. “Isku-dayada aqoonsi raadinta dan uma aha shacabka ku nool waqooyiga dalka, balse waxay u adeegayaan dano shisheeye oo halis ku ah amniga gobolka,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si kulul u diiday wax kasta oo ka hor imanaya midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo caddeeyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo aan lagu kala goyn karin warqad ama saxiix dal shisheeye.

Sidoo kale waxa uu muujiyay sida ay Dowladda Federaalka diyaar ula tahay tanaasul iyo wada-hadal dhab ah, si loo helo midnimo qaran, isla markaana ay dowladda dhexe wax kasta oo suurtagal ah u hurayso midnimo iyo dowladnimo wadajir ah.

“Dowladda Federaalka wax kasta wey u hureysa in midnimo la helo, haddii ay tahay garowshiyo, haddii ay tahay xaq dhiibid, haddii ay tahau xukun baahin iyo walaalo midoobay oo xoog mideysan hela diyaar ayaa u nahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dal madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblumaasiyadeed la samaysatay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.