
Wasiirka arrimaha Dibada Turkey Hakan Fidan ayaa ka hadlay arinta aqoonsiga Israa’iil ay Dowlad ahaan ugu aqoonsatay Maamulka Somaliland wuxuuna si gaar ah fariin hawada ugu mariyay maamulka Waqooyiga Somalia ee la baxay Somalland.
Hakan Fidan u sheegay Maamulka Somalland ugu horeyn inaanay jirin cid Dowlad ahaan u aqoonsan oo caalamka ka mid ah marka laga reebo Israa’iil oo iyagana dano gaar ah ka leh,isagoona tusaale u soo qaatay kaliya dantoodu tahay in Israa’iil u adeegsatao reer Somaliland ujeeddooyin aan wanaagsaneyn.
“Israa’iil ujeedkoodu maaha adinka inay idin rabto, balse qorshahoodu waa kaliya inay idiin adeegsato ujeeddooyin xun, sida dano danahooda Gobolka inay idiin adeegsadaan” ayuu yiri Hakan Fidan Wasiir arima dibadeedka Turkey.
Wasiirka wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay inay Turki ahaan Caalamka oo dhan kala hadleen si aan loo kala goyn Somalia.
Sidoo kale Wasiirkaan wuxuu uga digay Maamulka Somaliland diiniyan ahaan ineysan ku dhiman iyagoo ku jira xaalada ay hada ku sugan yihiin, isagoona ku tilmaamay arintaasi mid dulinimo ah.
Wasiirkaan oo wareysi bixiyay ayaa sidoo kale sheegay aqoonsiga Israa’iil inuu yahay mid hagar daamooyin badan ku gadaaman, wuxuu si gaar ah ugu tilmaamay aqoonsiga Israa’iil nasiib darada ugu weyn ee ku dhici karta maamulka Somaliland, xili uu carabka ku adkeeyay in wada-jir iyo madax banaanida Somalia ay tahay lama taabtaan.




















