Dal aad ugu dhowaa Israa’iil oo ka hor-yimid aqoonsiga Somaliland

80

Azerbaijan ayaa dib u xaqiijisay taageeradeeda madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kaddib shir degdeg ah oo ay isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Mowqifka Baku waxaa si gaar ah isha loogu hayaa maadaama ay Israel la leedahay xiriir istaraatiiji ah oo muddo dheer soo jiray, xilli Tel-Aviv ay noqotay udub-dhexaadka khilaaf sii fidaya kaddib markii ay aqoonsatay Somaliland.

Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan, Yalchin Rafiyev, ayaa kulanka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda OIC ee ka dhacay Jeddah ka sheegay in Azerbaijan ay garab taagan tahay midnimada qaran ee Soomaaliya iyo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.

Wuxuu xusay in dalkiisu sii wadi doono taageerada dadaallada wadajirka ah ee caalamiga ah, gaar ahaan kuwa ay hormuudka ka yihiin dalalka xubnaha ka ah OIC, si loo ilaaliyo xuduudahaas.

Rafiyev wuxuu sheegay in Azerbaijan, oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee Kooxda Xiriirka OIC ee Soomaaliya, ay u aragto in tallaabo diblomaasiyadeed oo isku-duuban ay lama huraan u tahay ka jawaabista arrimaha saameynaya xasilloonida Soomaaliya.

Waxa kale oo uu ugu baaqay beesha caalamka in ay ku dhaqanto xeerarka iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah, si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika iyo aagga Badda Cas.

Sida ay OIC sheegtay, shirka ayaa ku soo dhammaaday ansixinta qaraar si cad oo aan mugdi ku jirin u muujinaya taageero buuxda oo loo hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana diidaya tallaabo kasta oo wiiqi karta isku-duubnida dalka.

Mowqifka Azerbaijan ayaa helay dareen dheeraad ah sababo la xiriira xiriirka qotada dheer ee ay Israel la leedahay, oo ay ku jiraan iskaashi dhinaca difaaca ah iyo xiriirro tamareed.

Azerbaijan waxay safaarad ka furtay Tel Aviv sanadkii 2023, halka daraasad uu sameeyey Machadka Caalamiga ah ee Cilmi-baarista Nabadda Stockholm (SIPRI) ay diiwaangelisay in Israel ay sannadihii u dambeeyay si weyn hub ugu wareejisay Azerbaijan.

Bishii December 26, 2025, Israel ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u aqoonsada Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, arrintaas oo Soomaaliya cambaareysay, halka Midowga Afrika uu mar kale ku celiyay taageerada uu u hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa 6-dii Janaayo 2026 booqday Somaliland, taas oo sii hurisay xiisadda u dhexeysa Israel iyo dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.