DAAWO: Laascaanood oo loo aqoonsaday caasimada midnimada

38

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku dhawaaqay in Laascaanood ay tahay caasimada midnimada Soomaaliya, isaga oo shacabka reer Waqooyi Bari uga mahadceliyay dadaalka wayn ee ay muujiyeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xafladdii maanta lagu caleema saaray madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay qorantay taariikh cusub oo guul u ah dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu sii xoojiyay midnimada dalka, isaga oo ku baaqay in loo istaaga difaaca qaranka.

“Dalkeenna iyo dadkeenna waxaa maanta u sameysmay taariikh kale oo cusub oo ku korortay kuwa maanta la tiriyay waa taariikh naga gudbineysa kala qaybsanaantii sababta u ahayd isticmaarkii inoona gudbineysa midnimada dalkeenna iyo dadkeenna” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Waxaan rabaa maanta inaa halkan mar kale ka xoojiyo oo ku dhawaaqo magaalada Laascaano inay tahay magaaladii midnimada, waa astaantii midnimada waa astaantii Soomaalinimada hadda kadib caasimada midnimada ayaa loo aqoonsan doonaa”.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isaga oo sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in dhul kamid ah Soomaaliya ay u adeegsato danaheeda gurracan.

“Waxaan halkan ka caddeynayaa inaan dadka Soomaaliyeed iyo dunida aad u xaqiijiseen in aanay Soomaaliya kala go’i karin, waxaad halkan farriin uga direysaan anne aan idin-ku raacsanahay Netanyahu oo dhulka reer Falastiin xoog ku haysta hor istaagsan dowladdooda waxaan cod dheer ku leeyahay marna suurtagal ma’aha in Israa’iil ay Soomaaliya dhexdeeda ka sameysato dowlad fulisa istaraatiijiyaddeeda gurracan” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Horay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hortimid heshiiska Somaliland iyo Israa’iil, waxayna sameysay dadaallo diblumaasiyadeed oo guuleystay, maadaama dalal waa wayn iyo ururo caalami ah ay kasoo horjeesteen xadgudubka Israa’iil ee madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.