Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa galabta baahiyay sawirro laga dheehan karo dalka uu haatan ku sugan yahay, kaddib su’aallo ka dhashay safarkiisa uu shalay uga baxay magaalada Hargeysa.
Dadka qaar ayaa safarka Cirro la xiriirinayay Israa’iil, halka kuwo kalena ay ku jahwareereen dalka uu u safray Madaxweynaha Somaliland. Sawirradan uu baahiyay Cirro oo mid kamid ah uu ag taagan yahay diyaarad, ayaa muujinaya in uusan u safrin Tel Aviv.
Marka la eego xogta ka muuqata diyaaradda uu baahiyay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxaa soo baxaysa inuu joogo dalka Switzerland, gaar ahaan magaalada Davos, halkaas oo uu ka socdo shirka dhaqaalaha adduunka.
Diiwaanka diyaaradaha ee Switzerland (Swiss Civil Aircraft Register), gaar ahaan diyaaradda lambarkeedu yahay HB-ZYI ayaa muujinaya in ay iska leedahay shirkadda Swiss Helicopter AG, taas oo ay maamusho shirkadda Air Zermatt, kana shaqeysa adeegyada kirada gaarka ah ee Davos iyo deegaannada ku dhow.
Xogtan ayaa tilmaamaysa in Madaxweynaha Somaliland uu ku sugan yahay magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo uu ka socdo shirka dhaqaalaha adduunka.
Hase yeeshee, weli si rasmi ah looma xaqiijin in Cirro lagu martiqaaday shirka Davos iyo in kale, maadaama diyaaradda uu baahiyay ay kiraysan karaan ganacsato iyo dad gaar ahba.
Dhanka kale, Switzerland, gaar ahaan magaalada Davos, waxaa hore u joogay wafdi ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan.

Maamulka Somaliland ayaa tan iyo markii Israa’iil sheegtay inay aqoonsatay, waxay Madaxtooyadda maamulku bilowday inay faafiso warar u muuqda buun-buunin, iyo in warbaahinta laga qariyo xogaha la xiriira safarrada Madaxweynaha ee dibadda.
Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tallaabadan ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee ku dhiirrada aqoonsiga Somaliland, tan iyo markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa aqoonsigaas ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.
Dowladda ayaa dagaal adag la gashay aqoonsiga Israa’iil, iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.
Sidoo kale, Dowladda Mareykanka ayaa si cad u muujisay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.
Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa dhankooda si asag diiday aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.




















