Senator Ted Cruz oo laga duubay cod qarsoodi ah oo ku caynayo Trump & Ku xigeenkisa

72

Warbaahinta Axios , ayaa soo bandhigtay cod qarsoodi ah oo laga helay senatarka Jamhuuriga ah ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka, Ted Cruz, oo isku dayaya inuu isku sharraxo xilka madaxweynaha Mareykanka ee doorashada sannadka 2028, oo si kulul u dhaleeceynaya madaxweyne ku-xigeenka JD Vance, isla markaana uu si jees-jees ah uga hadlay siyaasadda canshuuraha ee Donald Trump, intii lagu jiray kulammo gaar ah oo uu la yeeshay deeq-bixiyayaal dhaqaalaha ku taageerra xisbiga Jamhuuriga.

Cruz wuxuu si adag u weeraray Trump iyo Vance, isagoo uga digay in siyaasadaha hadda socda ay keeni doonaan khasaare siyaasadeed oo ballaaran. Wuxuu sheegay in xisbiga Jamhuuriga uu lumin doono Golaha Wakiillada, Golaha Senetka, isla markaana labada sano ee xigta ay ku dhammaan doonaan isku dayo joogto ah oo xil-ka-qaadis ah.

 

Cruz wuxuu JD Vance ku tilmaamay inuu yahay qalab uu adeegsado weriyaha muxaafidka ah Tucker Carlson, isla markaana uu la wadaago aragti siyaasadeed oo ku saleysan go’doon iyo diidmo ku wajahan faragelinta militari.

Wuxuu sidoo kale uga digay deeq-bixiyayaasha in canshuuraha Trump ay halis ku yihiin dhaqaalaha Mareykanka, isla markaana ay sababi karaan xaalad horseeda xil-ka-qaadis madaxweyne. Sida uu Cruz sheegay, kaddib markii Trump soo bandhigay canshuuraha horraantii bishii April 2025, isaga iyo dhowr senatar oo kale inay wicitaan dheer la yeeshay Trump, iyaga oo ku boorinaya inuu go’aankaas ka laabto.

Wuxuu tilmaamay in wicitaanku uu socday ilaa waqti dambe oo habeenkii ah, balse uusan ku dhammaan si wanaagsan.Cruz wuxuu sheegay Trump inta wacitaankaa ku jiray xaalad caro ah, isla markaana uu qaylinayay oo aflagaaddeynayay.

“Trump niyaddiisu ma fiicnayn,” ayuu Cruz u sheegay deeq-bixiyayaasha.

Cruz wuxuu sheegay inuu Trump si toos ah ugu sheegay in haddii la gaaro November 2026 iyadoo kaydka hawlgabka ee dadka (401k) uu hoos u dhacay 30%, halka qiimaha badeecaduhuna uu sare u kacay 10 ilaa 20%, ay taasi keeni doonto guuldarro doorasho oo ba’an oo gaarta xisbiga jamhuuriga. Sida uu sheegay Cruz, jawaabta Trump waxay ahayd hadal aflagaaddo ah oo toos ah.

Cruz wuxuu codkan marar badan ku xusay JD Vance, isaga oo ku eedeeyay inuu la socdo aragtida Tucker Carlson ee siyaasadda dibadda, taas oo uu ku tilmaamay mid go’doon ah oo ka soo horjeedda doorka caalamiga ah ee Mareykanka.