
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Cabdifataax Al-Siisi, ayaa si wadajir ah u xaqiijiyey mowqifkooda ku aaddan taageeridda madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo si cad uga hor yimid tallaabada Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland.
War-murtiyeed rasmi ah oo kasoo baxay Agaasinka Warfaafinta ee Madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada Soomaaliya, xasilloonida dalka, horumarkiisa iyo daryeelka danaha shacabka Soomaaliyeed.
Qodobka ugu culus ee kulanka labada dhinac ayaa ahaa diidmada adag ee ay ka muujiyeen tallaabadii dhowaan Israa’iil ku sheegtay inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan. Turkiga iyo Masar ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid sharci-darro ah, kana hor imaanaysa shuruucda caalamiga ah, isla markaana dhiirrigelinaysa dhaq-dhaqaaqyada gooni-u-goosadka ah, taas oo khatar ku ah xasilloonida iyo amniga gobolka Geeska Afrika.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo dabayaaqadii bishii December ee sanadkii hore Israa’iil shaacisay aqoonsiga Somaliland, tallaabadaas oo ay si weyn u diideen Dowladda Federaalka Soomaaliya, dalalka gobolka iyo inta badan beesha caalamka, kuwaas oo mar kale adkeeyey ixtiraamka midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.




















