DAAWO: Koonfur Galbeed oo sheegtay inay soo afjareen dagaalkii Baydhaba ka socday

84

Sida Goor dhaw lagu baahiyay Warbaahinta Maamulka Maamulka Koofur-Gabeed waxaa gabi ahaanba soo dhamaaday dagaalkii shalay ilaa maanta ka socday Magaalada Baydhaba ee Xarunta Maamulkaasi.

Maamulka wuxuu sheegay in dhinacyadii ka soo horjeeday ay a eryeen Magaalada islamarkaana ay ka dhigeen qeyb nolosha ay ku qabteen iyo qeyb carartay sida ay warka u dhigeen walow dhinaca ciidamadii Milaterga ahaa ee dagaalku kala dhexeeyay aysan ka hadlin guusha uu sheegtay Maamulka.

“Waxaa la filayaa in laamaha amniga ay goordhow shir jaraa’id ku qabtaan goobihii howlgaladu ka dhaceen, si ay faahfaahin uga bixiyaan natiijada howlgalka” ayaa lagu yiri warka TV-ga laga sheegay.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Dowlada Koofur Galbeed Dr Mohamed ibraahim Bilaal ayaa shaaca ka qaaday goor dhaw in amniga Magaalada Baydhaba ay masuul ka tahay sida uu sheegay Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya.

Amniga Baydhaba waxaa Mas’uul ka ah Dowlada Koonfur Galbeed Somaliya, wayna Isaga filantahay cid kasta oo Aminiga Baydhabo Cadow ku ah, gacan bir ah ayayna ku qabanaysaa Koonfur Galbeed, marna Dawlada kama kaftamayso Badqabka shacabka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Waziirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed.